4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 7 , 2023
Mareykanka oo 107 katirsan Alshabaab ku dilay duqeymaha uu fuliyay sannadkii 2022
 

Sabti, January, 7, 2023 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa in ka badan 15 weerar oo xagga cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya 2022-kii. Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo caawinta dowladda Soomaaliya, ayaa kordhay in ka badan 30% sanadkii hore.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Congress-ka, ayaa baaritaan ku sameeyay howlgallada AFRICOM, iyaga oo ku andacoonaya in tiro aan sax ahayn ay wax ku noqdeen dad rayid ah.

Pentagon-ka ayaa sanadkii 2022-kii 15 weerar oo cirka ah ku qaaday Al-Shabaab, sida uu qoray wargeyska Long War Journal Tracker.

Sida lagu sheegay xogta AFRICOM, duqaymaha ayaa lagu dilay 107 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee,  AFRICOM ma aysan bixin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeymaha.

Sanadka 2021, AFRICOM waxa ay fulisay waxyar kayar, 11 weerar. AFRICOM ayaa sidoo kale fulisay 45 sanadkii 2020, halka 59 uu fuliyay sanadkii 2019, waana rikoor sare tan iyo markii howlgalada Mareykanka ay bilowdeen.

Sanadkan 2023, wuxuu dhashay iyadoo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ay guulo waawayn ka gaareen dagaalka lagula jiro Alshabaab, iyadoo la xoreeyay dhul badan.