4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 6 , 2023
Mareykanka oo $10 milyan dul-dhigay sarkaalkii abaabulay weerarkii Shabaab ka geysteen saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya
 

Jimco, January, 6, 2023 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inay bixin doonto lacag dhan 10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah si loo soo qabto hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo lala xiriirinayo weerarkii 2020-ka lagu qaaday Saldhig Ciidamada Cirka Kenya oo lagu dilay Saddex muwaadin oo Mareykan ah.

“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka (RFJ) oo ay maamusho Hay’adda Ammaanka Diblomaasiyadda, waxa ay ku bixinaysaa abaal-marin dhan 10 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah ciddii keenta xog horseedi karta in la soo xidho Macallin Ayman ama qof kasta oo gacan ka geystay fulinta weerarkii argagixisanimo ee Janaayo 5, 2020 ee shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee garoonka Manda Bay ee Kenya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay  waaxda dowladda Maraykanka"

Mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa rumeysan in Ayman uu mas'uul ka ahaa qorsheynta weerarka Janaayo 2020.

Macalin Ayman ayaa hoggaamiya Jaysh Ayman oo ah cutub ka tirsan Al-Shabaab oo la aas aasay sanadkii 2013 si ay howlgalo uga fuliyaan gudaha Kenya.

Kooxdan ayaa waxaa loogu magacdaray Macalin Ayman oo sida la sheegay kasoo jeeda degmada Mandheera. Kooxdan ayaa fadhiisimo ka sameysatay dhulka howdka ah ee keymaha Boni ee gobolka xeebta Kenya.

Labo duuliye oo qandaraasleyaal Mareykan ah iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay weerarka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qandaraasle Mareykan ah iyo labo askari.