4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 5 , 2023
Maayarka Laascaanood oo faah faahin ka bixiyay xaalada magaalada iyo ka bixista millateriga
 

Khamiis, January, 5, 2023 (HOL) - Magaalada Laascaanood ayaa hada xaaladeedu dagantahay, isla markaana maamulka iyo qaybo shacabka ka mid ah ayaa ka shaqaynaya adkaynta nabadgalyada sida maayarka magaaladu sheegay.

Maayar Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, oo Laascaanood warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in iska hor imaadkii xalay dhex maray millateriga iyo dhalinyaro hubaysan oo ka gadooday dil ay ciidamadu u gaysteen mid kamid ah shacabka , aanu ka dhalan wax khasaare ahi.

"Waxa dhacay iska hor imaad u dhexeeya ciidankii millateriga ee ku sugnaa magaalada gudaheeda ee amniga sugayay iyo dad shacab ah oo ka gadooday dilka dhacay ... Alle fadligii khasaare dagaalkaa kama dhalan" ayuu yidhi maayar Cali.

Waxa uu sheegay in kadib isku dhaca ciidamada magaalada laga saaray, si looga fogaado khasaare dhaca, isla markaana xaalada magaalada loo dajiyo.

"Ciidankii qaranka ee magaalada ku sugnaa, iyaga oo ilaalinaya xaalada nabadgalyo, iyaga oo u tudhaya shacabkooda, waxay jananada ciidamadu ku amreen in ciidamadu fadhiisimadoodi ku noqdaan, si xaalada loo dajiyo, aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa" ayuu yidhi maayar Cali.

Waxa uu sheegay in saaka markii ciidamadu baxeen kadib ay qaybo kamid ah shacabku qalalaase ka sameeyeen magaalada lakiin laysla qaatay in aan ciidanka lagu soo celin magaalada si aan qasaaruhu usii badan, waxa kale oo uu sheegay in cuqaasha gobolku isla qaateen in magaalada xasilooni lagu soo dabaalo.

Sida maayar ku sheegay magaalada Laascaanood hada xaaladeedu way dagantahay.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]