4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 5 , 2023
Uganda oo baaritaan ku sameyn doonta dhimashada askari oo katirsan ATMIS
 

Khamiis, January, 5, 2023 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa sameeysay guddi soo baara sababtii lagu dilay saddex askari oo Ugandhays ah oo loo soo diray Soomaaliya, kuwaas oo katirsan howlgalka midowga Afrika.

Afhayeenka Ciidamada Difaaca Shacabka, Sareeye Guuto Felix Kulayigye, ayaa sheegay in askarta dhimatay iyo kan falka geystay ay ka tirsan yihiin Ciidamada Midowga Afrika, ATMIS.

Waxa uu sheegay in falkan uu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kadib markii askari aan magaciisa la sheegin uu rasaas ku furay ciidamo saaxiibadiis ah, iyadoo aan ilaa hadda la ogeyn sababta ka dambeysay.

Dowladda Uganda ayaa la sheegay in ninka falkaan ka dambeeyay oo dalkeeda u dhashay, ay u gudbisay Kampala, halkaasoo su'aalo lagu weydiin doono, laguna saaridoono maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dalkaas.

Sida uu dhigayo sharciga militariga Uganda, oo la soo saaray 2005-tii, qofkii toogasho ku dila saaxiibkiis si dayacaad ah waxaa lagu xukumi karaa xabsi daa’in.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dhacdo tan la mid ah ay bishii May 2019  ka dhacday Soomaaliya, markii askari Ugandan ah uu toogtay sarkaal sare ka hor inta uusan isdilin.