4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 5 , 2023
Faahfaahin la xiriirta xaaladda magaalada Laascaanood oo ay la wareegeen maleyshiyaad deegaanka ah
 

Khamiis, January, 5, 2023 (HOL) - Xaaladda magaalada Laaascaanood ayaa qasan kadib markii xalay halkaasi ay la wareegeen maleyshiyaad deegaanka ah, kuwaas oo kasoo horjeeday joogitaanka Somaliland.

Dagaal culus oo xalay ka dhacay Laascaanood ayaa sababay in ciidamada Somaliland lagu khasbo inay magaalada isaga baxaan, inkast0o ay ku sugan yihiin magaalada duleedyadeeda.

Lama saadaalin karo xaaladdu siday ahaan karto, waxaana magaalada ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan. Dad badan ayaa saakay isaga qaxaya cabsida ay ka qabaan dagaalka.

Dhimasho iyo dhaawac aan weli tiradooda la haynin ayaa ka dhashay dagaalka xalay ka dhacay magaalada Laascaanood.

Dagaalka xalay ayaa dhacay kaddib markii ciidamada Somaliland ay xalay dileen mid kamid ah dadka deegaanka. Arrintaas oo keentay in maleyshiyaad ay isku hayb yihiin ay weerareen xarumaha ciidamada Somaliland ee kaga sugnaayeen magaalada Laascaanood.

Horjoogayaasha maleyshiyada la wareegay magaalada Laascaanood, ayaa ku hanjabay inay gubayaan shirkadaha isgaarsiinta haddii ay isku dayaan inay xiraan internetka iyo taleefoonada.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Laascaanood ayaa ku jirta labo todobaad oo kacdoon ah oo loogasoo horjeedo Somaliland. Inka badan  30 qof ayaa ku geeriyooday shaqaaqooyinka ka dhacaya muddada ay xiisadan socdaan.