4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 4 , 2023
Isku dhac Laascaanood ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo dad hubaysan
 

Arbaco, January, 4, 2023 (HOL) - Dagaal aan khasaarihiisa wali la ogayn ayaa magaalada Laascaanood ku dhex maray ciidamada amaanka Somaliland iyo dad hubaysan.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii ay ciidamadu toogteen nin lagu magacaabi jiray Maxamuud Cali Saadle,  kaasi oo warar aan la hubin sheegayaan in uu ciidanka soo weeraray.

Magaalada Laascaanood ayaa daganayd labadii cisho ee u danbeeyay, kadib banaanbaxyo rabshado watay oo magaalada ka socday muddo todobaad ah, iyadoo isku dhac dhex maray ciidanka iyo banaanbaxayaasha ay ku dhinteen daraasiin dad ahi.

Madaxweynaha Somaliland oo shalay warbaahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa sheegay in ay gurmad xukuumadeed ka gali doonaan sidii loo xalin lahaa qalalaasaha Laascaanood.

Hadaba, kacdoonada ayaa caawa dib usoo cusboonaaday, iyadoo aan war rasmi ah laga hayn inta uu leeyahay khasaaraha ka dhashay isku dhaca dadka hubaysan iyo ciidanka caawa magaalada ku dhex maray.

Wararka ayaa sheegaya in xaalada magaaladu hada dagantahay isla markaana dhamaan ciidamadii ninka toogtay xabsiga loo taxaabay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]