4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2023
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay shirka Laascaanood uga socda waxgaradka SSC
 

Isniin, January, 30, 2023 (HOL) -  Madaxweybaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu rajaynayo in wax wanaagsani kasoo boxo shirka Laascaanood uga socda waxgaradka gobolada Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn.

"Shirka madax dhaqameedka ee Laascaanood ka socda waxaan ka rajaynaya  wixii laga rajayn jiray ee caadada u ahaa madax dhaqameed kasta, dadkasta oo islaan ah, cidkasta oo waxgaranaysa shirarka madaxdhaqameedka iyo odayaashu fadhiyaan wuxuu ka taliya mar walba nabad" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in xukuumadu ay diyaar u tahay in si walaalnimo iyo wadajir leh ay kaga garnaqdo tabasho kasta, si xaalada daganaansho loogu soo celiyo, waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay kasoo horjeedaan qofkasta oo dhibaato abuuraya, iyo qofkasta oo diidan nidaamka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wax garadka reer Laascaanood laga dhaadhiciyay in xukuumada Somaliland ay ugaadhsatay shacabka reer Laascaanood, waxaanu sheegay in loo bahanyahay in fagaare layskugu yimaado si arrinta runteeda daaha looga qaado.

"Dadka arrintaa rumaystayow waxaynu u bahanahay Somaliland wax garad keeda arrinta laga dhaadhacsiiyay ee wada iyo dowlada ay ku eedeynayaan in aynu isla gaadhno fagaarihii ay kusoo bandhigi lahayn, ee cadowgu tuu doonayo aan loo dhaga nuglaan," ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in xukuumadu fagaare loo dhanyahay kusoo bandhigi doonto dadkii galaaftay nolosha haldoorka magaalada Laascaanood "Nin kii leh dowlada wax yeeshayow caddaankeeda ayaa ku hor iman kii dilay oo la hayee in aad halkaa sugto, lakiin aan loo dhaga nuglaan kuwa fidmada wada".

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ciidanku aanu ka bixi doonin Sool, isla markaana uu amniga sugayo "Ciidanka Somaliland, Somaliland ayuu cadowga ka ilaalinayaa, dalkiisu ilaalinayaa, waa eray ay soo tuurayso argagixiso doonaysa in ay meesha fidno ka rido.

Madaxweynuhu kooxa argagixiso ah oo aanu carabaabin ayuu ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan qallalaasaha magaalada Laascaanood, waxaanu shacabka reer Sool ka codsaday in ay ka shaqeeyaan nabada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]