4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2023
Wasiirka ganacsiga Soomaaliya: Cali Dheere waxba laga weydiin maayo ilaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed
 

Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Wasiirka ganacsiga dowladda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku tilmaamay guul shacabka Soomaaliyeed usoo hoyatay, in kooxda Al-Shabaab ay dareemeen saamaynta ay ku yeelatay dagaalka dhaqaale ee dawladdu ku qaadday.

Wasiirka ganacsiga wuxuu sheegay tallaabada cuno qabataynta dhaqaale ee Shabaab lagusoo rogay in lagu badbaadiyey lacago tiro badan oo ay doonayeen inay Shabaab  baad uga qaataan ganacsatada Soomaaliyeed, sida uu sheegay wasiirku.

"Ninka Cali Dheere la yiraa ee ku hadla Afka Khawaarijta, waxa aan u sheegayaa in aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinayaa ay tahay isaga oo ah khawaarijta Al-Shabaab," ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ganacsigu waxa uu ganacsatada Soomaaliyeed ku boggaadiyay u hoggaansamidda awaamiirtii dawladda ee lagu joojinaayey lacagahii sharci darrada ahaa ee  ay siin jireen Al-Shabaab.

Waxa uu ganacsatada Soomaaliyeed uga mahad-celiyey inay si joogto ah ay dawladda ula soo wadaagaan xogaha la xiriira meelaha lacagaha loogu diro Al-Shabaab.

Wuxuuna carrabka ku dhuftay in gacanta lagu dhigay taleefano iyo akoono tiro badan oo lagu dhici jiray lacagaha ganacsatada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay soo bandhigayso malaayiin dollar oo Shabaab ugu xaraysnaa bangiyada dalka, lacagahaas oo ay Dowladdu sheegtay in loo adeegsan jiray dhibaataynta shacabka.