4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 26, 2023
War murtiyeed laga soo saaray Shir weynahii Culimadda Soomaaliyeed ee ka socday magaalada Muqdisho
 

Khamiis, January, 26, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Shir weynahii Culimada Soomaaliyeed ee 23-kii bishaan uu daahfuray madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo ay ka qeyb galeen Culimaa'udiin ka kala timid dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Shirweynahaan Maanta usoo idlaaday Culimada Soomaaliyeed ayaa ahaa mid looga arrin sanaayay cadeynta waxa Diinta Islaamka ay ka qabto fikirka kooxaha Shabaab iyo Daacish ee huwan magaca diimeedka iyo dagaalada ka dhanka ah kooxahaasi.

War murtiyeed aad u dheer oo ay ka soo saareen Culimada Soomaaliyeed shirkoodii Muqdisho ayay ku sheegeen in Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ay yihiin kuwa Khawaarij ah oo fikirkooda uusan sal iyo raad ku laheyn Diinta Islaamka.

Culimada waxay si cad u sheegeen in dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxaha Shabaab iyo Daacish inuu yahay Jihaad sax ah qofkii ku dhintana uu yahay Shahiid.

War murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay masuul ka tahay guud ahaan ilaalinta iyo daryeelka Diinta Islaamka, waxayna Culimada ka dalbadeen ganacsatada, siyaasiyiinta iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed iney dowladda Fedaraalka ku garab istaagaan dagaalada ka dhanka ah kooxaha Shabaab iyo Daacish.

Hoos ka akhriso War murtiyeedka oo dhameystiran:-