4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 26, 2023
Taliye cusub oo loo magacaabay ciidanka Booliiska Soomaaliya

Khamiis, January, 26, 2023 (HOL) - Xukuumadda Soomaaliya ayaa taliye cusub usoo magacowday ciidanka Booliiska Soomaaliya, waxaana lagu meel mariyay shirka golaha wasiirrada ee Soomaaliya.

General Sulub Axmed Firin ayaa loo magacaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya.

General Sulub Axmed Firin, ayaa haatan ah wasiir ku xigeenka Duulista Hawada Soomaaliya ee xukuumadda raysal wasaare Xamse.

Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegaya Gen, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo xilkaan hayay tan iyo 2019, waana isbeddelkii ugu weynaa ee lagu sameeyo hoggaanka booliiska.

Taliyaha cusub ayaa horey xilal kala duwan ugasoo qabtay dalka, waxaana magacaabiddiisa ay kusoo aadaysaa xilli madaxwayne Xasan Sheikh lagu wado inuu dib u habayn iyo tayayn ku sameeyo booliiska Soomaaliya.