4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2023
Puntland oo ka digtay in la faro galiyo shirweynaha aayo ka tashiga deeganada SSC ee ka furmaya Laascaanood
 

Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa ka digay in fara galin lagu sameeyo aayo katashiga deegaanada SSC.

Madaxweyne ku xigeenka oo maanta Garowe kulan la qaatay qaar kamid ah madax dhaqameedka gobolka Sool, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan in la siyaasadeeyo kacdoonka bulsho ee ka socda SSC.

Axmed Karaash wuxuu sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin dadka deegaanku inay isugu yimaadaan shirweynaha aayo ka tashi ah SSC, kaas oo dhowaan ka furmaya magaalada Laascaanood.

Karaash wuxuu sheegay inay rajeynayaan inuu shirweynahaas kasoo baxo wax dan u ah masiirka bulshada.

Karaash waxa uu ku eedeeyay Somaliland inay dil iyo barakac joogta ah ku hayso shacabka, isagoo sheegay inuu guulaysan doono kacdoonka bulsho ee socdo.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Laascaanood waxaa kusii qulqulaya isimada dhaqanka ee kasoo jeeda gobolka Sool, kuwaas oo markii ugu horraysay la filayo inay go’aan masiiri ah kasoo saaraan xaaladda Laascaanood.

Dadka ku nool deegaanada SSC ayaa badi doonaya inay yeeshaan maamul ka madax bannaan Somaliland iyo Puntland.