4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 21, 2023
Ciiidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo Al-Shabaab kala wareegay Janaay Cabdalle

Sabti, January, 21, 2023 (HOL) - Ciidamada Xoogga Dalka iyo ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa Alshabaab kala wareegay deegaanka Janaay Cabdalle oo 60 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Lamasoo sheegin wax dagaal ah oo ka dhacay halkaasi, waxayna ciidamadu kula wareegeen si nabad ah deegaankaan oo kamid ah deegaanada Muhiimka u ahaa kooxda Alshabaab.

Tan iyo sannadkii 2020, Alshabaab ayaa haystay deegaankan oo u ah il dhaqaale oo weyn, kadib markii ciidamada xoogga dalka ay ka baxeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah weeraray deegaanka Janaay Cabdalle inta ay ku sugnaayeen ciidamada Xoogga dalka.

Lama oga inay ciidamadu halkaas sii joogidoonaan, waxayna kusoo aaday qabsahadeeda xilli lagu wado in Jubbaland uu ka bilowdo howlgal dib u xorayn ah oo lagu weerarayo dhulka uu haysto Alshabaab.

Si lamid ah Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo dhulkooda badi laga xoreeyay kooxda Alshabaab oo deegaanada qaarkood ay haysatay muddo ka badan 15 sano.