4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 20, 2023
Yemen oo dib uga furanaysa safaaradeedii Soomaaliya 15 sano kadib
 

Jimco, January, 20, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibedda iyo qurbo-Joogta ee dalka Yemen Dr. Axmed Cawad Bin Mubarak oo Muqdisho ku sugan ayaa isaga iyo dhigiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac waxay si wadajir ah u dhagax-dhigeen asaaska dhismaha cusub ee Safaarada Yemen ee magaalada Muqdisho.

Dhagax-dhiga waxaa kaloo goobjoog ka ahaa Danjiraha Yemen u jooga Soomaaliya, Ambassador Fadal Al-Xanaq iyo qaar ka tirsan Ergada Dibloomaasiyiinta Yemen ee joogta magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Yemen ayaa sheegay dhismaha wejiga Koowaad ee Safaaradda Cusub ee Yemen, in ay ka dhigan tahay astaan muhiima oo cusub oo ku wajahan xoojinta iskaashiga labada dal.

Safaaraddii Dawladda Yemen ay ku lahayd magaalada Muqdisho ayaa irdaha loo xidhay sanadku markuu ahaa september, 2008.

Xidhitaanka safaaradda Yemen ee Muqdisho ayaa sabab u ahaa qalalaasihii amni ee xilligaasi ka dhex taagnaa dowladdii kumeel gaarka ahayd ee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo kooxihii kasoo horjeeday.

Safaaradda Yemen ayaa kutaalay meel ku dhowayd madaxtooyada Soomaaliya.

Yemen ayaa kamid ahayd dowladihii Carbayd ee ugu horeeyay ee safaarad ka furta gudaha Soomaaliya, sanadkii 2007, tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Soomaaliyana sanadkii 2016 ayay xirtay safaaradeedii magaalada Sanca ee waddanka Yemen, kadib baqdin dhinaca Ammaanka ah, maadama Soomaaliya ay taageertay dowladda waddankaas ka dhisnayd, halka magaalada Sanco maamulayeen Xuutiyiinta.