4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2023
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya
 

Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab dayib Erdogan ayaa Ibrahim Mete Yagli u magacaabay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, kaddib markii  Erdogan uu saxiixay wareegto uu isku shaandheyn ugu sameeyay safiirada caalamka.

Wareegtada ayaa lagu daabacay Faafinta Rasmiga ah wax yar ka hor sanadka cusub.

Safiirka cusub ayaa beddeli doona Mehmet Yilmaz oo tan sannadkii 2018 shaqadan hayay.

Mehmet Yilmaz ayaa waxaa lagu xasuusan doonaa kordhinta tirada ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata waddanka Turkiga.

Ibrahim Mete Yagli, oo ah diblumaasi xirfadeed oo ku biiray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga 1986, ayaa la wareegi doona xilkan.

Yagli wuxuu soo qabtay jagooyin dhowr ah gudaha iyo dibadda, oo ay ku jiraan ku-xigeenka koowaad ee safaaradda Poland 2005 iyo Agaasinka Guud ee Arrimaha Dhaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda 2008.

Yagli ayaa la filayaa inuu Muqdisho soo gaaro bishan Janaayo si uu warqadihiisa aqoonsiga ugu gudbiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed, dhaqaale, militari iyo mid siyaasadeed tan iyo horraantii 2010-kii.

Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh dhismaha safaaradda ugu weyn adduunka, taasoo uu madaxweyne Erdogan furay sannadkii 2013-kii.