4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2023
Al-shabaab oo markale dad shacab ah ka afduubatay gobolka Hiiraan
 

Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaarayo deegaanada Beerxaano iyo Dhoqor oo ku yaala dhanka Koonfureed ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanadaasi kooxda Al-shabaab ka afduubteen dad shacab ah.

Ku dhawaad 20 ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab ah oo kasoo jeeda Beesha Xawaadle ayaa la xaqiijiyay in kooxda ay ka ka xeysteen deegaanada Beerxaano iyo Dhoqor, islamarkaana ka gudbiyeen Wabiga Shabeelle oo markii horaba la sheegay in kooxda afduubka geysatay ay kasoo gudbeen.

Dadkaan shacabka ah ee Al-shabaab afduubteen ayaa la sheegay iney ahayeen dad beeraleey ah oo aanan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa afduubka Al-shabaab u geysteen.

Laba cisho ka hor ayay aheyd markii sidaan oo kale kooxda Al-shabaab ay afduubteen dad shacab ah oo marayey inta u dhaxeeyso degmada Halgan iyo deegaanka Dheenweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay kooxda ka gudbiyeen Wabiga Shabeelle, maadama dhanka Galbeed ee gobolka Hiiraan ay wali kooxda ku leeyihiin Saldhigyo waa weyn.