Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Jan 2 , 2023
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo magacaabay guddiga farsamada shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed
Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddiga farsamada ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa loogu talo galay inay isku dubaridaan farsamo ahaan shirka dib u heshiisiinta Koonfur galbeed oo la qabanayo shanta bishan January.
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe, ayaa rajo weyn ka qaba in shirka dib u heshiisiinta uu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Koonfur Galbeed.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee u ololaynaya doorashada Koonfur Galbeed ayaa horey u saluugsanaa shirkaan, iyagoo ku eedeeynayay guddoomiye Aadan Madoobe inuu u janjeero dhinaca Lafta Gareen.
Balse, Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo labo habeen ka hor kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbeed, waxay ku heshiisiyeen in laga wada qeyb galo shirka dib u heshiisiinta.
Madaxweyne Xasan Sheekh "Howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xureynaayo waa in muddo kooban lagu soo afjaro"
1/2/2023 10:00 AM EST
Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kormeer ku tagay xerada Jenaraal Goordan oo ay ku jiraan ciidamadii tababarka kuso qaatay wadanka Eratariya ee dhawaan Cutubkoodii ugu horeeyay dalka dib loogu soo celiyay.
Dad ka barakacay qalalaasaha Magaalada Laascaanood
1/2/2023 9:56 AM EST
Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa ka qaxay qalalaasaha maalmihii ugu danbeeyay magaalada ka socday.
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Guddiga Doorashada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed
1/2/2023 9:50 AM EST
Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumaadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga doorashooyinka xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Deni: Puntland waxay diyaar u tahay inay xal siyaasadeed iyo mid militari ku wajahdo xaaladda Laascaanood
1/2/2023 7:55 AM EST
Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa iska diiday dhaliil loosoo jeediyay oo ku saabsanayd inuu ku mashquulsan yahay arrimaha doorashada, xilli magaalada Laascaanood uu ka taagan yahay qalalaase dad badani ku dhinteen.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya
1/2/2023 5:45 AM EST
Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab dayib Erdogan ayaa Ibrahim Mete Yagli u magacaabay safiirka Turkiga ee Soomaaliya, kaddib markii Erdogan uu saxiixay wareegto uu isku shaandheyn ugu sameeyay safiirada caalamka.
Al-shabaab oo markale dad shacab ah ka afduubatay gobolka Hiiraan
1/2/2023 1:56 AM EST
Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaarayo deegaanada Beerxaano iyo Dhoqor oo ku yaala dhanka Koonfureed ee magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in deegaanadaasi kooxda Al-shabaab ka afduubteen dad shacab ah.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo ka hadlay xaalada Laascaanood
1/2/2023 1:06 AM EST
Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in maamul xumo ay xukuumadu ku kacday ay sababtay kacdoonada Laascaanood.
Beesha caalamka oo sheegtay inay ka walaacsan yihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood
1/2/2023 12:05 AM EST
Isniin, January, 2, 2023 (HOL) - Saaxiibada Beesha caalamka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.
Somali News
President Mohamud outlines Somalia’s goals in New Year’s address
-
HOL
1/2/2023 9:09 AM EST
Mogadishu (HOL) - President Hassan Sheikh Mohamud delivered a New Year's address on Sunday from Villa Somalia, pledging to achieve the country's debt relief process, complete the constitution, and liberate and ensure the country’s security.
Somaliland Parliamentary Speaker condemns killing of protestors in Las Anod
-
HOL
1/2/2023 2:53 AM EST
Hargeisa (HOL) - The Somaliland House of Representatives Speaker, Abdirisaaq Khalif Ahmed, stated that government incompetence played a significant role in the uprisings in Las Anod.
Erdogan appoints new ambassador to Somalia amid diplomatic shakeup
-
HOL
1/2/2023 2:03 AM EST
Mogadishu (HOL) - Mehmet Yilmaz, Turkey's ambassador to Somalia, has been called back to Ankara and replaced by Ibrahim Mete Yagli after President Recep Tayyip Erdogan signed a decree reshuffling ambassadors globally on Saturday.
Parliament speaker forms technical committee for South West reconciliation meeting
-
HOL
1/2/2023 1:37 AM EST
Mogadishu (HOL) – Somalia's Lower House Parliament Speaker, Sheikh Adan Mohamed Noor Madobe, appointed a seven-member technical committee for the upcoming reconciliation conference in Baidoa, the interim administrative capital for the South West state government.
Hope for peace as Eritrean army withdraws from Tigray region
-
The East African
1/2/2023 1:07 AM EST
Ethiopia’s Tigray region, at war for the last two years, may finally be looking up to long-term peace after Eritrean forces, a key party to the war began packing to leave the battlefield.
Deadly crush during New Year festivities in Uganda
-
BBC
1/2/2023 12:40 AM EST
At least nine people have died in a crowd crush during New Year festivities in the Ugandan capital Kampala.
List of Uhuru’s peace envoy trips after retirement
-
The Star
1/2/2023 12:36 AM EST
With the change of guard witnessed when President William Ruto took over in September 2022, many assumed his predecessor Uhuru Kenyatta would be left jobless.
Tensions flare up between Somaliland and Puntland with around 20 killed in Las Anod
-
News 360
1/2/2023 12:19 AM EST
At least twenty people have been killed during five days of protests in the town of Las Anod, the epicenter of the long-running territorial dispute between the self-proclaimed republic of Somaliland and the semi-autonomous Somali region of Puntland in the northern Horn of Africa since 2007.
At least 20 people killed in clashes in Somaliland
-
Reuters
1/2/2023 12:15 AM EST
BOSASO, Somalia, Jan 1 (Reuters) - At least 20 people have been killed in Somalia's breakaway region of Somaliland in clashes between anti-government protesters and security forces over several days, according to a doctor at a public hospital.