4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2023
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in 49 katirsan Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeeladda dhexe
 

Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dishay 49 ka tirsan  Alshabaab, tiro kalana lagu dhaawacay kaddib dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka, kuwa deegaanka, Ciidanka Nabad Sugidda iyo Saaxiibada Caalamka, ayaa waxaa lagu beegsaday Shabaab isku abaabulayay dhulbeereedka Sheekh Qaasim.

Dowladda Soomaaliya waxay kaloo sheegtay in goobta laga fuliyay weerarka ay Shabaab ku haysteen dhaawacyo badan oo horay ugu soo dhaawacmay dagaallada dalka looga xoraynayo.

Howlgalka inta uu socday Shabaab waxaa laga soo celiyay gaadiid dagaal oo uu ku jiro gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Hal asakari oo ka tirsan ciidanka Qaranka ayay dowladdu sheegtay inuu ku geeriyooday inta uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray saddex kale.

Alshabaab ayaa maalmo ka hor weeraray tuulada Xawaadley, halkaas oo la sheegay inay kula wareeegeen saldhig ciidan, iyagoo halkaas ku laayay askar ciidanka dowladda katirsan.