4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 19, 2023
Maamulka Hirshabeelle oo digniin adag kasoo saaray u hoggaansanaanta awaamiirta Alshabaab
 

Khamiis, January, 19, 2023 (HOL) - Wasaaradda amniga maamulka Hirrshabelle ayaa caddeysay cidkasta oo u hoggaansanta awaamiirta Alshabaab in ay ku xukun yihiin iyaga.

Wasaaradda amniga ayaa sheegtay go'aan inuu qeyb ka yahay awaamiir dowladda Soomaaliya ay soo saartay, kuwaas oo lagula dagaalamayo kooxda Alshabaab iyo cid kasta oo gacan saar laleh.

Go'aanka maamulka Hirshabeelle ayaa kusoo aaday kaddib markii ay dhawaan odayaal kasoo jeeda gobolka Hiiraan sheegeen inay heshiis la qaateen kooxda Alshabaab.

Odayaal kale oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay odayaasha hadlay inay Shabaab katirsanaayeen. Waxayna ku baaqeen in lagu dilo meeshii lagu arko.

Arrimahan oo idil ayaa kusoo aadaya iyadoo maxkamadda ciidamada qalabka sida ay bilowday dhegaysiga saddex odey oo dhawaan Alshabaab heshiis kulasoo galay magaalada Xarardheere.

Odayaashan ayaa markii ay kusoo laabteen magaalada Cadaado xabsiga loo taxaabay, iyagoo lagu eedeeyay inay jebiyeen awaamiirtii dowladda.