4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2023
Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in sanadka 2024 lasoo daabicidoono lacagta cusub ee shilin Soomaaliga

Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka soo socda uu hiigsanayo in lasoo saaro lacagta cusub ee shilinka Soomaaliga, si wax looga qabto lacagaha qalaad ee xad-dhaafka ah ee suuqyada ku jirta iyo sicir-bararka.

Lacagta cusub oo ah kun shilin ayaa badali doonta lacagtii la daabacay dowladdii dhexe ee dalka, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka bangiga dhexe Cali Yaasiin Wardheere.

“Lacagtii hore ayaa dhow inay meesha ka baxdo, soo saarista lacagta cusubna waxay la dagaalami doontaa lacagaha sharci darrada ah iyo in la xakameeyo sicir bararka" ayuu yiri Wardheere.

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2018 ku howlanaa soo saarista lacag shilin Soomaali ah, isagoo kaashanaya hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Bangiga dhexe ayaa sidoo kale qorsheynaya in bisha June ee sanadkan uu xarumo cusub ka sameysto xarumaha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka sida Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka Bankiga dhexe.

Laamahaasi waxay ka caawin doonaan bangiga dhexe aruurinta canshuuraha, keydinta lacagaha cusub iyo inay noqdaan wakiilka dhexe ee maaliyadda ee dowlad goboleedyada federaalka.

Bangiga ayaa sidoo kale sameeyay qeyb si gaar ah ugu heellan la dagaalanka lacagaha been abuurka ah iyo ilaalinta qiimaha lacagta cusub ee bangiga dhexe uu qorshaynayo in uu daabaco.