4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 18, 2023
Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo ka hadlay guulaha ciidanka dowladda Soomaaliya ka gaareen dagaalka Shabaab
 

Arbaco, January, 18, 2023 (HOL) - Taliska ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ay ka gaareen howlgalada ka socda deegaanada maamulka Galmudug ee Al-shabaab looga saaray degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ergayga gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa howlgalka ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin guulaha la taaban karo oo ay gaareen ciidanka Soomaaliya, isagoona xusay in ATMIS iney sii wadi doonto taageeradooda ku aadan ciribtirka Urur Al-shabaab iyo dardargalinta howlgalada dalka looga saarayo.

“Howlgalka ATMIS waxuu sii wadi doonaa inuu bixiyo taageerada loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya oo ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira” ayuu yiri Danjire Souef oo ah Madaxa howlgalka ciidanka Midowga Afrika ATMIS.

Danjire Souef ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ay ka go'an tahay in doorkooda ka qaataan howlgalada Shabaab looga saarayo guud ahaan dalka Soomaaliya, si deegaanadaasi loo gaarsiiyo adeega dowladeed.

“Shabaab way jabeen, inaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed waan sii wadi doonaa inaan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaale” ayuu yiri Madaxa Ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Danjire Souef.

Hadalkaan kasoo baxay Taliska Midowga Afrika ee ATMIS ayaa imaanaya, iyadoo ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka ee loo yaqaano macawiisleey ay Al-shabaab kala wareegeen deegaano iyo degmooyin badan oo ay maamulayeen in ka badan 10 sano, kuwaas oo ka tirsan gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe Galgaduud iyo Mudug.