4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 17, 2023
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo la wareegay magaalada Ceeldheer
 

Talaado, January, 17, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa kacdoonka shacabka, ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud oo muddo ka badan 10 sano gacanta ugu jirtay Alshabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyay qabashada Ceeldheer.

Ma jirin wax dagaal ah oo ka dhacay Ceeldheer, waxaa la sheegay inay Alshabaab isaga ka baxeen.

Magaalada Ceeldheer waa magaalo taariikhiya ah waxayna xuduud la leedahay Xarar dheere oo gobolka Mudug ah, halkaas oo shalay laga xoreeyay Alshabaab oo 15 sano ah haysatay.

Waxay kaloo ku dhowdahay degmada Ceelbuur.

Ceel Dheer oo ka mid ah gobolka Galguduud waxay ku taal meel aan ka fogeyn xeebta.

Sannadkii 2010 ayay Alshabaab u gacan gashay, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada dowladdii iyo kuwa AMISOM.

Xoraynta Ceeldheer waxay qeyb ka tahay howlgallada ka socda gobolada dhexe ee dalka, kuwaas oo deegaano badan lagu xoreeyay.