4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2023
Dowladda Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug
 

Isniin, January, 16, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa si nabad ah ula wareegay degmada qadiimiga ah ee Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay Alshabaab ka xoreeyaan degmooyinka Xarardheere iyo Galcad, isagoo sheegay inay yihiin labo degmo oo aad muhiim u ah.

Wasiirka gaashaandhigga oo la socday ciidamada dib u xoraynta Galmudug, ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed ka dulqaadeen culayska Shabaaab uu ku haayay muddada dhowr iyo tobanka sano.

Wasiirka  gaashaandhigga waxa uu sheegay maalmaha soo socda in la xorayndoono dhammaan deegaanada Galgaduud ee Shabaabka gacanta ugu jira.

Xarardheere waxay kamid tahay magaalooyinkii ugu horeeyay ee Shabaabku qabsadaan, waxaana la aaminsan yahay inay ahayd xarumaha waawayn ee Shabaab ee  lagasoo abaabuli jiray weerarada argigixiso.