4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2023
Guddoomiyaha ONLF " Haddii isbaddal la samaynayo waa in lagala tashado Shacabka dowlad degaanka Soomaalida"
 

Isniin, January, 16, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Mahdi Maadey ayaa mar uu la hadlayay taageerayaasha ururka ONLF, waxa uu sheegay in is baddelka ka socda dalka Itoobiya ay fiican tahay lagala tashado dadka degaanka Soomaalida, Shacab, Maamul iyo Siyaasiba.

"Haddii isbaddel lasamaynayo mid maamul iyo mid heer federal ah, waa in lagala tashado dadka Soomaalida waxgaradkiisa, Xooggiisa Siyaasadeed oo ay ONLF kamid tahay, Maamulkiisa iyo Shacabka Soomaaliyeed, wixii isbaddel imaanaya waa inaan lug ku leenahay", ayuu yiri Guddoomiyuhu.

Isagoo hadalkiisa sii wata Gudduumiyuhu waxa uu sheegay inaan marna la aqbali doonin in kolba mid cusub dhinaca federalka laga soo diro oo degaanka Soomaalida loo soo magacaabo iyadoon Shacabka degaanka aan waxba lagala socodsiinin, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyaha ONLF.

Sidoo kale Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Shacabka degaanka Soomaalida ay wakhti xaadirkan diyaar u yihiin inay iyagu tashadaan " Haddii Isbaddal yimaaddo iyo haddii wax la qaybsanayo dadka Soomaaliyeed awood ayay u leeyihiin garashadeedana way leeyihiin, dhulkeedana way leeyihiin iyo xooggeedaba, marka halagu sharfo oo halaga qayb galiyo isbaddelka ka socda Itoobiya", ayuu yiri Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan Mahdi.

Ugu dambayn Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu dhammaaday wakhtigii qolo qolo kale siday rabto ka yeeli jirtay, shacabka dowlad degaanka Soomaalidana uusan ahayn mid lagu tunto oo sidii la rabo laga yeelayo, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyaha ONLF.

Hadalka Guddoomiyaha ONLF ayaa kusoo beegmaya xilli si guud dalka Itoobiya la filayo in dhawaan isbaddelo ka dhacaan.