4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 16, 2023
Dowladda Soomaaliya oo Kenya u ogolaatay inay labo jibaarto dhoofinta qaadka Miirowga
 

Isniin, January, 16, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay dowladda Kenya in ka badan laba jibaar mugga qaadka ee loo dhoofiyo Soomaaliya, taasoo la sheegay inay ballaarinayso fursadaha beeralayda maxalliga ah.

Sida ay qorayaan warbaahinta Kenya, dhoofinta ayaa hadda kor u kacday 50 tan oo maalinle ah, halka markii hore ay ahayd 19 tan maalintii magaalada Muqdisho, tan iyo markii ganacsiga labada dal uu dib u billowday sannadkii hore bishii Luulyo.

Kenya ayaa talaabadan ku tilmaamtay mid dhiirri galinaysa ganacsato badan oo ku qasbanaaday in ay suuq kale u raadiyaan wax soo saarkooda qaadka Miirowga.

Madaxa dalaga Miraa iyo dalagyada kale ee warshadaha Felix Mutwiri, ayaa sheegay in dhoofinta laga soo kiciyay 19 tan oo maalinle ah markii suuqa uu dib u bilowday.

"Ilaa hadda waxaa naloo oggol yahay in aan ugu yaraan 50 tan oo Miira ah u soo rarno Muqdisho maalintii," ayuu yiri Mr Mutwiri.

Halkii kiilo oo ah qaadka Miirowga ee loo dhoofiy0 Soomaaliya ayaa hadda maraya $23 balse ganacsatadu waxa ay sheegeen in uu weli ka hooseeyo marka loo eego 25 Doollar oo ay ka heli jireen ka hor 2020.