4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan magaalada Baydhabo iyo wafdi hordhac u ah safarkiisa oo gaaray

Axad, January, 15, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay gaaray wafdi hordhac u ah safar uu halkaasi ku tagayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo lagu wado inuu berito ka furmo Baydhabo.

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Agaasimaha madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan, masuuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaro magaalada Baydhabo oo xarun kumeel gaar u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku qotama qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu ku baaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Shirkaan ayaa ujeedkiisa yahay in lagu xaliyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sababtay shaqaaqooyin dad badan ku dhinteen bishii lasoo dhaafay ee Decembar 2022 iyo waliba sidii looga bilaabi lahaa deegaanada Koonfur Galbeed howlgalada ka dhan ah Al-shabaab.

Shirkaan berito lagu wado inuu Baydhabo ka furmo ayaa qorshahiisu ahaa inuu furmo 5-tii bishaan Janaayo, hayeeshe dib u dhac uu ku yimid, kadib markii ay saluugeen hanaanka qabsoomida shirka qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.