4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2023
Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo hay'adda IMF iyo Bangiga Adduunka oo shir uga furmay Nairobi
 

Axad, January, 15, 2023 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa maanta shir uga furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa arrimaha Maaliyadda, hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dhamaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ka hadlay shirkan ayaa sheegay in diirradda lagu saari doono halbeegyada dib-u-habeynta Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inuu shirkan dabo socda kulamo isdaba joog ah oo xoogga lagu saaray arrimaha dib u habaynta Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirkaan ayaa socon doono saddex maalin.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasaaradda Qorshaha, Batroolka, Bangiga dhexe, masuuliyiin ka tirsan xafiisyada Madaxtooyad iyo ra’iisul Wasaaraha.