4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2023
Xukuumada Somaliland oo war-murtiyeed kasoo saartay xaalada Laascaanood
 

Axad, January, 15, 2023 (HOL) - Wasiirada Somaliland ee magaalada Laascaanood u jooga xalinta qalalaasihii ka dhacay magaalada, ayaa sheegay in xukuumadu diyaar u tahay in ay wada-hadal ku dhamayso tabashada shacabka.

Wasiirada ayaa sheegay in xukuumadu qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga gobolka Sool, iyadoo qaadatay bixinta magta dadkii dhintay, ayna xakamaysay ciidamada si khasaare kale looga fogaado, isla markaana ay sii daysay dhamaan dadkii lagu soo qabtay qalalaasaha.

Wasiirada ayaa sheegay in ay taageersanyihiin baaqii kasoo baxay xubnaha golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada, ee magaalooyinka bariga, sida uu warbaahinta u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

"Xukuumada Somaliland waxay taageeraysa baaqii ku saabsanaa adkaynta nabadgalyada iyo in wada-hadal lagu dhameeyo, wixii tabasho ah ee jira, xubana golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada ee Taleex, Buuhoodle, Laascaanood iyo Xudun" ayuu yidhi Wasiir Koore.

Dadwynaha Laascaanood ayay ugu baaqeen in ay nabada ilaaliyaan, sidookale, dadkii qaxay ayay ka codsadeen in ay kusoo laabtaan magaaladooda, jaamacadaha, dugsiyada iyo malcaamadaha Qur'aanka ayay sidookale, amreen in dib loo furo.

Waxay sheegeen in xukuumada Somaliland ay ka go'antahay in ay wada-hadal ku dhamayso tabasho kasta oo shacabku qabaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]