4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2023
Xukun dil toogasho ah oo Maanta lagu riday Askari ganacsade Soomaali ah u dilay Shan kun oo Shilin Soomaali ah
 

Axad, January, 15, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsan ciidanka ilaalada deegaanka ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo dhawaan ku dilay degmada Xamarweyne Allah u naxariiste Abuubakar Maxamed Nuuraani oo ka mid ahaa ganasatada yar yar ee degmadaasi.

Askarigaan Maanta xukunka toogashada ah lagu riday ayaa Marxuum Nuuraani oo  65 sano jir ahaa u dilay lacag dhan 5 kun oo shilin Soomaali ah oo uu askariga weydiistay marxuumka oo goob ganasi oo yar ku lahaa xaafada Gobanimo ee degmada Xamarweyne, waxaa daqiiqado kadib dilka Booliiska Soomaaliya u suurtagashay iney gacanta kusoo dhigaan askariga dilka geystay.

Dilka Marxuum Nuuraani ayaa waxaa si weyn uga dareen celiyay qoyskiisa iyo bulshada Soomaaliyeed oo dowladda Soomaaliya ka codsaday in cadaalada la horkeeno askariga shanta kun ee shilin Soomaaliga ah u dilay Marxuum Abuubakar Maxamed Nuuraani, iyadoo ugu dambeyn Maanta ay Maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku riday askarigii geystay dilka.

Ehelada Marxuum Abuubakar Maxamed Nuuraani oo goob joog ka ahaa goobta uu xukunka ka dhaacayay ayaa soo dhaweeyay xukunka lagu riday askariga dilay wiilkoodii, iyagoo ku amaanay hay’adaha garsoorka sida cadaalada leh ay u wajaheen kiiskaan.