4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2023
Booliiska gobolka Banaadir oo howgal qorsheysan kusoo qabqabtay koox burcad ah oo hubeysan
 

Axad, January, 15, 2023 (HOL) - Ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya oo Xalay howgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay koox burcad ah oo hubeysan.

Booliiska Soomaaliya ayaa howlgalka qorsheysan ka sameeyay xaafada Kooka koola, waxayna kusoo qabteen koox burcad ah oo ka kooban 5 ruux, kuwaas oo dhac u geysanaayay dadka shacabka ah ee ku nool xaafada Kooka koola ee degmada Yaaqshiid.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgalkan sidoo kale lagu soo qabtay Mooto Bajaaj ay wateen ragga burcadda ah ee gacanta lagu soo dhigay.

“Ciidanka Booliiska Qeybta Guud gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Degmada Yaaqshiid ayaa hadda qabtay koox burcad hubaysan ah, oo watay Moota Bajaaj islamarkaana falal dhac ah ka geysanayey xaafadaha degmada Yaaqshiid” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska gobolka Banaadir.

Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyay shacabka ku nool magaalada Muqdisho wada shaqeynta ay la sameyaan laamaha amaanka dowladda Soomaaliya, waxaana howlgalkaan uu imaanaya iyadoo ciidamada amaanka magaalada Muqdisho ay maalmahii dambe ay kordhiyeen howlgalada ay ka sameynayaan gudaha magaalada Muqdisho.

“Taliska Qeybta Guud ee Booliiska gobolka Banaadir waxa uu Shacabka caasimada uga Mahadcelinayaa sida ay markasta ula shaqeeyaan ciidanka Amniga” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Taliska Booliiska Banaadir.