4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2023
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay xayirtay 250 akoon oo Shabaab lacagaha ku arursan jireen
 

Axad, January, 15, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay xayirtay 250 akoon iyo 70 taleefoon oo ay Alshabaab u isticmaali jireen lacagaha ay dad ka aruriyaan.

Lama sheegin lacagaha ku jiray akoonadan iyo taleefonadan la xiray.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaase sheegay akoonada dowladdu xirtay inay ahaayeen kuwa dadka lagu dhibaataysan jiray, laguna arursan jiray lacago baad ah.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta, wuxuu sheegay in dad muwaadiniin ah ay lasoo wadaageen hay'adaha dowladda xogta akoonada iyo taleefoonada, kuwaas oo horey iyaga lacago looga qaadan jiray.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay inay shacabka Soomaaliyeed 15 sano kadib fahmeen in aysan kusii jiri karin dhibaato iyo in laga macaasho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in cunaqabataynta dhaqaale ee Shabaab lagu riday ay kaalin weyn ka qaadatay  in hoos loo dhigo dhaqaalihii lagu abaabuli jiray weerarada argigixoso ee Shabaab.