4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 15, 2023
Midowga Yurub oo caawinaya nin Soomaali ah oo lagu xukumay 142 xabsi ah
 

Axad, January, 15, 2023 (HOL) - Nin Soomaali ah oo xabsi daa’in ku xukumnaa oo lagu eedeeyay inuu dad tahriibinayay ayaa shalay kasoo muuqday maxkamad kutaala Greece si uu racfaan uga qaato xukunkii lagu riday, iyadoo kiiskan ay taageereen koox ka tirsan baarlamaanka Yurub oo sheegay in si qaldan loo xukumay.

Mohammad Hanad Cabdi ayaa lagu xukumay 142 sano oo xarig ah sanadkii 2021 ka dib markii lagu helay dambi ah inuu dad kasoo tahriibiyay Turkiga kuna sii jeeday jasiirada Giriiga ee Lesbos.

Cabdi waxa uu sheegay in uu kaliya kaxeeyay doonida ka dib markii uu ka dagay nin Turki ah oo wax tahriibin jiray intii ay safarka badda ku jireen. Labo qof ayaa ku qaraqmay markii ay doonida qaaday biyaha halka 33 kalena la badbaadiyay.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday ayaa taageeray ninka Soomaaliga ah in aanu wax dambi ah lahayn, iyagoo sheegay inuu naftooda badbaadinayay.

Kiisku waxa uu dareenka u horseeday hab-raacyada xukunnada adag ee Giriigga oo la soo bandhigay sannadihii u dambeeyay taas oo qayb ka ah dadaalka lagula dagaallamayo socdaalka sharci darrada ah ee Midowga Yurub.

Xubin ka tirsan garabka bidix ee Giriiga oo ka tirsan baarlamaanka Yurub, Stelios Kouloglou, ayaa hoggaaminaya ololaha in qaar badan oo ka mid ah dambiyada dib loo eego, dadaalkaas oo ay taageerayaan sharci-dajiyayaasha kale ee Yurub.

15 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa taageeray ololihiisa, iyaga oo saxiixay warqado cabasho ah oo loo gudbiyay maamulka Giriigga.

Xukuumadda midig-dhexe ee Greece ayaa ku tilmaantay siyaasaddeeda socdaalka mid "adag laakiin cadaalad ah", iyadoo ku doodaysa in xukunnada adag ee lagu rido dadka wax tahriibiya ay qayb muhiim ah ka tahay siyaasadda difaaca xuduudaheeda.