4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2023
Dowladda Kenya oo beenisay inay Somaliland safaarad ka furanayso
 

Sabti, January, 14, 2023 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Kenya (MFA), ayaa waxay beenisay wararka sheegaya in la qorsheeyay in xafiiska xidhiidhka Kenya ee Hargeysa loo aqoonsado safaarad.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Alfred Mutua ayaa caddeeyay warkan, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in Kenya ay safaarad ka samaysanayso Somaliland oo iskeed madax bannaani ugu dhawaaqday, inkastoo la aqoonsan.

Warbixinnada ku saabsan xiriirka Hargeysa ee Kenya, waxa sii shiday xafiiska xidhiidhka Kenya ee Hargeysa oo kamid noqday lixdan xafiis arrimo dibadeed oo uu wareegto kusoo saaray Madaxweyne William Ruto Isniintii, Janaayo 9.

Somaliland waxa ay raadinaysay in ay xidhiidh adag la samayso wadamada gobolka oo ay ku jirto Kenya oo samaysay Xafiiska Isku xidhka Sebtember 2021 iyadoo geysay afar sarkaal.

Markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu booqasho ku tagey Kenya December 2020 oo uu wada hadal la yeeshay Madaxweynihii xilligaasi Uhuru Kenyatta.

Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabdaas kaddib waxay soo saartay warqad cabasho ah oo ay xiriirka ugu jartay Kenya.

Soomaaliya oo si weyn uga soo horjeeda in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan, ayaa Kenya ku eedaysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.