4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2023
Al-shabaab oo isaga baxday degmada Xarardheere iyo Ciidamada Huwanta ah oo kaabiga ku haaya degmadaas
 

Sabti, January, 14, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo is garabsanaya ay ku dhawaadeen degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo aheyd Saldhiga ugu weyna kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta deegaanada gobolka Mudug.

Ka bixitaanka Al-shabaab ee degmada Xarardheere ayaa timid, kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya oo wata gaadiid dagaal oo aad u farabadan ay ku dhawaadeen degmada Xarardheere.

Wararka kasoo baxaya Xarardheere ayaa sidoo kale sheegaya in kooxda ay ku amartay dadka shacabka ahaa ee ku noola degmada iney isaga baxaan gudaha degmada oo aysan ku harin.

Ciidamada kaabiga ku haaya degmada Xarardheere ayaa isugu jira ciidanka xoogga dalka, kuwa daraawiishta Galmudug, dadka deegaanka iyo waliba ciidanka PSF-ta maamulka Puntland, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay dhadhaqaaqyo xoogan ka waday deegaanada Hobyo iyo Wisil.

Xarardheere ayaa Saldhig muhiim ah u ah kooxda Al-shabaab, waxayna ka dhigan tahay hadii ciidamada iskaashanaya ay si buuxda ula wareegaan in kooxda ay weyn doonto Saldhigeedii ugu weyna ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug oo ay kasoo talineysay mudo aad u dheer.