4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 14, 2023
Maraykanka iyo waddamo kale oo dhoolatus millateri ku samaynaya Berbera
 

Sabti, January, 14, 2023 (HOL) - Maraykanka ayaa shaaciyay in dhoolatus millateri oo uu gadhwadeen ka yahay lagu qaban doono magaalada Berbera bisha labaad ee sannadkan.

War-saxaafadeed kasoo baxday dowlada Maraykanka ayaa lagu sheegay in ciidanka Maraykanka iyo ciidamo ka socda waddamo kale oo Geeska Afrika dhaca, ay dhoolatus millateri  ku samayn doonaan magaalada Berbera ee Somaliland.

"Maraykanka iyo xubno ka socda ciidamo kale oo  Geeska Afrika ah, ayaa indho indhayn ku tagay dekedda Berbera, booqashadan ayaa imanaysa ka hor dhoolatus millateri oo uu Maraykanku hogaamimayo oo la qorsheeyay in uu qabsoomo bisha February ee 2023".

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhoolatuska looga dan leeyahay in la kor dhiyo iskaaashiga caalamiga ah ee ku aadan ka jawaabida dhibaatooyinka iyo la dagaalanka argagixisada, iyo in la diyaar gareeyo howlaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee gobolka.

Sidookale, waxa war-saxaafadeeda lagu sheegay in dhoolatusyo ka Berbera lamid ahi ay ka dhici doonaan waddamada Botswana, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Rwanda, waxaana ka qayb gali doona ilaa 20 waddan oo Soomaaliya ku jirto.

Dhoolatuskan ayaa la filayaa in uu ibo-fur  u yahay iskaashiga ciidan iyo diblumaasiyadeed, ee Maraykanku qalinka ku duugay in uu la yeesho Somaliland, kadib markii madaxweyne Biden saxeexay xeer ogolaanaya in Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan iskaashi ciidan iyo mid siyaasadeed.

Maraykanka ayaa magaalada Berbera u arka goob hoy u noqon karta abaabulka howlgalada uu ku sugayo amaanka gobolka iyadoo Berbera ay kulaalayso labo kamid ah marinada badaha ee ugu waa wayn caalamka oo kala ah Bab al Mandab iyo Gacanka Cadmeed.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]