4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 13, 2023
Xildhibaannada gobolada Sool, Buuhoodle iyo degmooyinka hoos yimaada oo baaq soo saaray

Jimco, January, 13, 2023 (HOL) - Xildhibaannada gobolada bariga Somaliland, ayaa sheegay in ay ka shaqaynayaan wax ka qabashada qalalasaha Laascaanood, isla markaana waxay kasoo horjeesteen baaqii qaar kamid ah odayaashu dhawaan soo saareen.

Xildhibaannadan oo isugu jira kuwa golaha wakiilada ee  gobolada Sool iyo Buuhoodle iyo xildhibaannada golayaasha deegaanka ee degmadmooyinka Laascaanood,Taleex, Xudun iyo Buuhoodle ayaa tacsi u diray dadkii ku wax yeeloobay qalalaasihii Laascaanood.

Waxay sheegeen in ay shacabka la qabaan dhaliilaha loo jeedinayo xukuumada Somaliland, marka ay noqoto sidii ay uga falcelisay mudaharaadyadii, iyo dadkii masuuliyiinta u badnaa ee magaalada lagu laayay.

Waxa ay sheegeen in gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay ka tirsanyihiin Somaliland, isla markaana shacabka ku nooli ay leeyihiin xuquuq lamid ah ta shacabka kale ee Somaliland, waxay dhinaca kale sheegeen in ay soo dhawaynayaan in xukuumadu qaadato masuuliyada dadkii dhintay.

Ciidamada amaanka ayay usoo jeediyeen in ay ka dheeraadaan ficilkasta oo shacabka dhibaato u keenaya, sidookalena shacabka ayay uga digeen in ay sameeyaan ficilo keeni kara in dhibaato soo gaadho.

Baaqii qaar kamid ah odayaasha gobolka Sool soo saareen ee ku aadana in ciidanku ka baxo gobolka ayay ku tilmaameen wax aan suuragal ahayn "Ciidanku waxa uu joogaa dhulkiisii cid xag ugu lihina ma jirto ha habaxo". Waxay sheegeen in ay iyagu  ka shaqayn doonaan hagaajinta salluug kasta oo bulshadu qabto.

Sidookale, waxay digniin u direen dad ay sheegeen in ay ka shaqaynayaan qallalaase abuur, waxay sheegeen in ay dad gaar ahi siyaasadaynayaan arrinta amniga Laascaanood.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay soo dhawaynayaan shirwayne ay iskugu yimadaan beelaha gobolku, si xal buuxa loogu helo dhibaatada taagan, waxa kale oo ay dhamaan isimada dhaqanka deegaanadan ugu baaqeen in ay Laascaanood yimaadaan.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]