4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 13, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh "Qofka Soomaaliga ah ee aan kala dagaalanay inuu shabaab dilo, qof kale aan u ogolnahay majirto"
 

Jimco, January, 13, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay banaanbax lagu taageerayay guulaha dowladda Soomaaliya iyo dadka shacabka ay ka gaareen howgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in dowladiisa aysan marnaba aqbali doonin in qof Soomaali ah si macna dara ah loo dilo.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dhiiga muwaadinka Soomaaliga ah uu yahay mid qaali ah, islamarkaana qofkii qof dila la horgeyn doono Shareecadda.

"Qofka Soomaaliga ah ee aan kala dagaalanay inuu shabaab dilo qof kale aan u ogolnahay majiro, qofkii qof dilo shareecadaa la horgeynaa, maalin dhaweyd aabo ganacsigiisa joogo ayuu askari dowladda ka tirsan u dilay shan kun shilin Somali ah daradeed Xamarweyne waa la wada ogyahay waana xiran yahay sharciga ayaana la horgeynaya sharviga wuxuu ka qabana qof walba waa ogyauay waa dil toogasho" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale digniin adag u diray ayaa qabiilada Soomaaliyeed ee mararka qaarkood ku dagaalama gobolada dalka, wuxuuna sheegay inaan la aqbalin karin in dalka uu ka dhaco dagaal aan aheyn midka la lagula jirin kooxda Al-shabaab.

"Looma baahna dalka inuu dagaal aan midka Shabaab lagula jiro aheyn qabaa'ilada waa iney ka digtoonaadaan, dowladda waxaa ugu qorsheyaan arimaha noocaas ah in talaabo adag ka qaado qabiklada ku dagaalama gobolada dalka" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo todobaadkaan gudahiisa askar ka tirsan dowladda Soomaaliya ay degmooyinka Xamarweyne iyo Balcad ugu kala dileen laba qof oo shacab ahaa lacag dhan 5 kun oo shilin Soomaali ah, inkastoo dowladda ay gacanta kusoo dhigtay labada gacan ku dhiigle.