4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2023
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Maanta Xukun dil toogasho ah ku riday Taliye Urur ka tirsana xoogga dalka
 

Khamiis, January, 12, 2023 (HOL) - Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku riday Taliye Urur ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle oo la sheegay inuu ka dambeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Dhame Shariif Maxamed Barkhadle ayaa loo soo xiray inuu gudaha magaalada Muqdisho soo galiyay gawaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa oo la dhigay goobo ganacsi oo kala duwan, kuwaas oo kala ahaa Village Hotel and Restaurant Afar oo Tobankii January 2019, Baar Italia oo ku taal agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii. Sidoo kale Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada bishii May 27-keedii 2019.

Qaraxyadaas ayay Maxkamada ciidamada qalabka sida sheegtay iney ku geeriyodeen dad gaaraya 27 ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana tiro intaaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Eedeysanahaan xukunka toogashada ah ay Maxkamada ku riday ayaa sidoo kale la sheegay in dambiyada loo haysto ay ka mid ahayeen iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa, waxaana Maxkamada ciidamada qalabka sida ay dhegeysiga fadhigii ugu dambeeyay gashay 7-dii bishaan Janaayo ee sanadkan 2023.

Ugu dambeyn Maanta ayay Maxkamada Darajada Koowaad ku xukuntay Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle dil toogasha ah oo ah, Qisaasta marxuumiinta ku naf waayay gawaaridii qaraxyada ahaa ee uu dhigay goobaha kala gadisna ee ganacsiga, waxaana sidaas warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.