4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2023
Al-shabaab oo ku dhawaad 400 oo neef ku gowracday deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan
 

Khamiis, January, 12, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel xeero oo qiyaas ahaan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan u jirta 20 KM ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay maanta halkaasi ku gowraceen in ka badan 300 oo neef oo ari ah.

Arigaan ay Maanta gowraceen Al-Shabaab ayaa waxaa lahaa dad shacab ah oo la sheegay in kooxda ku tilmaamtay kuwa ridoobay, waxaana wararku intaasi ay ku darayaan in dadkii lahaa xoolaha ay kooxdu laysay oo ahaa reer guuraa iney badbaadeen.

“Waxay nagu dheheen xoolahaan dadka iska leh waa Ridoobeen, waana in la laayo iyaga iyo maalkooda, marka ilaahay waa naga badbaadiyay, laakiin wax xoolo ah nooma harin” ayuu yiri qof deegaanka ah oo dadka xoolahooda la laayay.

Saraakiil ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in dhacdaan ay timid kadib markii weerar ay qorsheyneysay kooxda iney ku qaado fariisimaha ciidamada dowlada iyo kuwa dib u xureynta ee ku sugan degmada Maxaas uu ka fashilmay, kadibna ay laayeen xoolaha dadka shacabka ah lahaayeen.

Xaaladda deegaanka ay dhacdadan ka dhacday ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana cabsi xoogan ay soo wajahday dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi, hasa yeeshee  arintaan ayaa imaaneysa, iyadoo shabaab horay ay u burburiyeen Ceel biyoodyo dadka reer miyiga iyo xoolahooda ay biyaha ka cabi jireen, islamarkaana ay sdidoo kale gubeen deegaano badan oo dad shacab ah daganayeen.