4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2023
Faahfaahin kasoo baxaysa weerar ay Daacish ka geysatay deegaan katirsan gobolka Bari
 

Khamiis, January, 12, 2023 (HOL) - Faahfaahin dheeri kasoo baxaysa weerar ay habeenkii xalay deegaanka Balidhidin ee gobolka Bari ee Puntland ka geysteen dagaamalayaal katirsan kooxda Daacish.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in iska hor imaad dhex maray dablay katirsan Daacish iyo ciidamada Puntland uu dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda Daacish ayaa weerartay saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa Puntland, waxaana la sheegay in weerarkaas ay ku geeriyoodeen labo katirsan Daacish iyo hal askari oo katirsan Puntland.

Daacish uma suurto galin inay gudaha u galaan deegaanka Balidhidhin, waxayna iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan.

Weerarkan ayaa yimid ku dhawaad sanad iyo bar kaddib markii ay Daacish dishay guddoomiyihii deegaankaas, kaddib weerar ay qabsadeen deegaankaas, inkastoo markii dambe ciidamada Puntland ay ka saareen.

Daacish ayaa fariisimo qarsoodi ah ku leh buuraha Cal miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay mararka qaarkood kasoo abaabulaan weeraro ka dhan ah Puntland.

Puntland ayaa horey gacanta ugu dhigtay tiro dhowr ah oo katirsan dagaalamayaashii Daacish ee dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Bosaso.

Qaar ayaa lagu riday xukuno dil ah, kuwa kalena waa baxsad. Tan iyo markii gacanta lagusoo dhigay xubnihii dilalka geysan jiray, waxaa hoos u dhacay falalkii Daacish ay ka geysan jirtay magaalada Bosaso.