4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2023
Mustafe Martin oo magaalada Hargaysa lagu xidhay
 

Khamiis, January, 12, 2023 (HOL) - Mustafe Maxamed Martin oo ah shakhsi arrimaha siyaasada kaga faalooda baraha bulshada, isla markaana hore mucaarad ugu ahaan jiray xukuumada Somaliland, ayaa Hargaysa lagu xidhay.

Martin oo ku nool dalka Maraykanka, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii isaga iyo xaaskiisu ay safar ku yimaadeen Somaliland todobaadkan, lamana oga sababta dhabta ah ee loo xidhay.

Hadaba, Martin ayaa xiligii la doortay madaxweyne Biixi aad uga soo horjeestay isaga oo ku tilmaamay in ay ahayd doorasho cadaalada ka fog, isla markaana isaga oo dibada jooga, ayuu isku magacaabay in uu yahay madaxweynaha Somaliland.

Martin ayaa sidookale booqday deegaano kamid ah Soomaaliya sida Puntland, isaga oo marar badan baraha bulshada ku faafin jiray fikiro ka dhan ah Somaliland, inkasta oo uu kasoo noqday fikirkiisii hore, oo uu hada aad ugu olloleeya qadiyada Somaliland iyo jiritaankeeda.

Fannaaniin iyo shakhsiyaad kale oo caan ah ayaa Martin kusoo dhaweeyay madaarka Cigaal ee magaalada Hargaysa, markii uu todobbaadkan Somaliland soo gaadhay, isagoo halka ka jeediyay hadalo uu bulshada ku boorinayo in ay ilaashadaan nabada, dalkana dhistaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]