4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 12, 2023
Weerar lagu dilay dad u badan Injineero oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya
 

Arbaco, January, 11, 2023 (HOL) - Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa ku geeriyootay weerar ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya oo lala eegtay kolanyo gaadiid ah oo ay la socdeen Injineero iyo shaqaalo ku howlana dhismaha wado tareen oo isku xireysa dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa qarax miino oo wadada dhinaceeda la dhigay, kaasoo la sheegay in loo maleynayo iney fuliyeen xubno ka tirsan kooxda Shabaab, wuxuuna ka dhacay weerarkaan meel u dhaw xaduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Injineerada iyo shaqaalaha la socday kolanyada gaadiidka ah ayaa la sheegay iney kusii keedeen deegaanka Bura, iyagoo ka ambabaxay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, sida uu warbaahinta gudaha Kenya u sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Kenya.

“Gaari ay la socdeen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu weeraray qarax miino, dhamaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay, waxaana jira dad kale oo dhaawacyo soo gaareen" ayuu yiri John Otieno oo ah sarkaal ka tirsan dowlada Kenya.

Kooxda Al-shabaab ayaa inta badan weeraro dhabagal ah iyo qaraxyo la beegsata ciidamada Kenya, xiliyada ay ku socdaalayaan wadooyinka gobolka Waqooyi Bari, waxaana xusid mudan in bishii lasoo dhaafay ee Decembar weerar noocaan oo kale ah oo ka dhacay meel u dhaw gaarisa in lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsaneyd Booliiska dalka kenya.