4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2023
War murtiyeed laga soo saaray Shirkii Wasiiradda Maaliyada dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada dalka
 

Arbaco, January, 11, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ay lahayeen Wasiirada Maaliyadda dowladda Fedaraalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa ahaa mid ay ku gorfeeynayeen Wasiiradda arrimaha Maaliyadda dalka, hanaanka mideynta canshuuraha, qeybsiga deeqaha kabka Miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamka ay Soomaaliya ku taageeraan, waxaana sidoo kale shirka looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta ee ka dhexeeysa Hey'adda Maaliyadda heer Fedaraal iyo dowlad Goboleed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka Wasiirada Maaliyadda Fedaraalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir inuu ku soo dhamaaday jawi is afgarad ah iyo si miradhal ah, islamadkaana si aad looga hadlay arrimaha Maaliyadda iyo hirgelinta mideynta canshuuraha dekadaha dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Wasiiradda dowlad goboleedyada dalka oo dhankooda shirka hadalo ka jeediyay waxay sheegeen in shirka uu kusoo gabagaboobay si wanaagsan oo miradhal ah, waxaana Shirkaan ka maqnaa oo aan kasoo qeybgalin Wasiirka Maaliyadda maamulka Puntland oo la sheegay inuu arrimo shaqo uga cudurdaartay kasoo qeybgalka kulanka Wasiirada Maaliyadda.

Gabagabadeydii shirkaan ayaa waxa laga soo saaray War murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda dowladda Fedaraalka, dowlad goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Hoos ka akhriso War murtiyeedka oo dhameystiran:-