4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2023
Odayaal reer Laascaanood ah oo la kulmay wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland oo hadlay

Arbaco, January, 11, 2023 (HOL) - Odayaal reer Laascaanood ah ayaa xukuumada Somaliland kala hadlay kiiska nin shacab ah, oo dhawaan ciidamada millaterigu ku toogteen magaalada Laascaanood.

Waxa ay sheegeen in wasiirada ay odayaashu la kulmeen ay ugu tageen si ay ugala hadlaan, arrinta mid kamid ah shacabka magaalada oo maalmo ka hor ay ciidamadu toogteen xili habeen ah.

"Maamulka Somaliland la kulanay, waxaanu kala kulanay wuxuu ahaa ninkii suuqa lagu dilay, waxaanu nidhi ninkaa nimankii dilay manoo haysaan, haa baa la yidhi, gacanta ilaa oo aad nosoo galisaan wax kale oo aanu ka hadlaynaa ma jiraan" mid kamid ah odayaasha ayaa sida yidhi.

Waxa uu sheegay in siyaasad ahaan ay taageersanyihiin baaqii cuqaasha gobolka Sool ee Somaliland ka dhan ka ahaa, isla markaana anay jirin wax dilka ninkaa aan ahayn oo ay kala hadleen xukuumada Somaliland.

Odayaasha iyo waxgaradka gobolka ayaa wada ollole ay rabaan in ay ciidamada Somaliland gobolka kaga guuraan, iyaga oo doonaya in gobolka Sool iyo deeganada la jaar ka ah ay u sameeyaan maamul u gaar ah oo dowlada Soomaaliya hoostaga.

Dhinaca kale, xukuumada ayaa dadaal ugu jirta sidii shacabka loo dajin lahaa, isla markaana loo sugi lahaa amaanka gobolka oo maalmihii lasoo dhaafay qalalaase ka taagnaa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]