4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2023
Raysal wasaare Xamse "Lugaha halaysku dhago ama qadaadka halaysku dhago sanadkaan waa inuu dhamaystirmaa Dastuurka"

Arbaco, January, 11, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in qorshaha dowladda Soomaaliya ee Dastuurka dalka kaga aadan inuu yahay in sanadkaan laga saarayo qabyada oo la dhameystiro.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan sii shaqeyn karin hadaan la dhameystirin Dastuurka oo ah mid kala jiheynaya awoodaha iyo sharuucda dalka.

"Hadii aanan Datsuurka la dhameystirin ma jiri karto taalaboyin wax qabad oo ay dowladda ka fulin karto gobolada dalka, tusaale hadii Baledweyne inaan ka dhisno iskuul damacno kama dhisi karno oo dowlad goboleedkii ayaa ku leh anaga ayaa dhiseyna ee soo wareeji howshan" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Wuxuu xusay in Dastuurta khuburada aduunka qof aanan la tusin ay yar tahay, islamarkaana wali ay suurtagali la'dahay inuu dhameystiro oo waxaa jiro qodobo u baahan in go'aan geesinimo leh laga qaato si uu u dhameystirmo Dastuurka dalka.

"Ama lug halaysku dhago ama qadaadka halaysku dhago sanadkan waa in uu dhamaystirmaa Dastuurka" ayuu yiri Rayaal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan kasoo yeeray Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka inta badan ay isku qabtaan dhanka awoodaha, maadama Dastuurka uusan si cad u kala qeexeyn waxyaabaha qaar oo uu u baahan yahay dhameystir.