4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 11, 2023
Eritariya oo sheegtay in arrinka ciidamadeeda ku sugan Tigray ay kaliya ka hadli karto dowladda Itoobiya
 

Arbaco, January, 11, 2023 (HOL) - Safiirka Eritariya u jooga Ruushka Ambasador Petros Tsegay oo waraysi siiyay Warbaahinta Ruushka ee RIA ayaa sheegay in dowladda Itoobiya oo kaliya ay xaq u leedahay in Eritariya ay ka dalbato in ciidamada Eritariya ay ka baxaan dhulka Tigray.

Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in arrintu ay hortaallo kaliya dowladda Itoobiya iyo Eritariya, balse aysan cid kale xaq u lahayn inay ka hadasho arrinta ciidamada Eritariya ee ku sugan meelo kamid ah gobolka Tigray, waa siduu hadalka u dhigay Safiirku.

Ciidamada dalka Eritariya ayaa muddo labo sano ah ka barbar dagaallamayay Ciidamada Itoobiya oo dagaal kulul kula jiray xilligaa ciidamada TPLF, inkastoo markii dambe ay heshiiyeen TPLF iyo dowladda Itoobiya.

Ciidamada Eritariya ayaa intii uu dagaalkaasi socday lagu eedeeyay gabood fallo ka dhacay gudaha gobolka Tigray, inkastoo arrintaasi ay beenisay dowladda Eritariya.

Hadalka Safiirka Eritariya u jooga Ruushka ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii u dambeeyay ay dalalka reer galbeedku iyo hay'adaha caalamigu ay Eritariya ka codsanayeen in ciidamadeeda ay kala baxdo gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.