4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2023
Wasaaraddaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiiska adeega Hawada
 

Talaado, January, 10, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa Maanta goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo lagu saxiixay heshiiskii Adeegga Hawada (ASA) ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u habeyn lagu sameeyay, kaasoo labada dowladood ay dhaqan geliyeen 3-dii December 1988-kii.

Heshiiskaan dib u habeynta lagu sameeyay ayaa la sheegay inuu la jaanqaadayo caariga waqtigan la joogo, islamarkaana lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

“Heshiiskan 1988 ayaa horay loo saxiixay, maaddama 35 sanno ay kasoo wareegatay waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi kara qarnigaan la joogo” ayay tiri Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal.

Wasiir Fardowsa Cismaan ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiskan uu yahay mid horumarinaya iskaashiga iyo khibrad wadaaga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa soo kordhaayay heshiisyada ay  sameynayeen qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana u dambeeyay heshiiskii Maanta dalka Masar ay ku kala saxiixdeen wasiiradda arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya iyo Masar.