4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2023
Wasiir Juxa: Puntland kama go’in Soomaaliya, mana dudsana laakiin qaddiyaddeeda ayay miiska soo saartay
 

Talaado, January, 10, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Puntland Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in aysan Puntland qaadan go’aan ay kaga go’ayso Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka oo maanta la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay qoraalkii kasoo baxay madaxtooyada Puntland inuu yahay mid lagu caddaynayo gorgortanka ay Puntland ka galayso qaddiyadaheeda dastuuriga ah.

Wasiir Juxa wuxuu tilmaamay inay loo baahan yahay ka hor inta aan dastuurka Soomaaliya la meel marin, in laga heshiiyo arrimo ay kamid yihiin qaddiyada Somaliland iyo meeqaamka caasimadda.

Juxa wuxuu kaloo sheegay inay dowladda federalku u muuqata mid dadajinayso dastuurka dalka, islamarakaana wuxuu tilmaamay inaanan diirradda la saarin arrimihii mudnaanta lahaa in laga heshiiso.

“Soomaaliya annagu kama go’in, wanaageedana waan ka shaqeynaynaa. Laakiin waxaanu leenahay si waaqici ah dhalada jabta haloo ururiyo,” ayuu yiri Juxa.

Xalay ayay ahayd markii ay Puntland soo saartay qoraal lagu sheegay inay Puntland si madax bannaan qaddiyadaheeda dastuuriga ah ugala xaajonayso dowladda Soomaaliya.

Puntland waxay carrabta ku xoojisay inay adeegsan karto qodobka 4-aad ee dastuurkeeda, kaas oo qeexaya inay u dhaqmi karto sidii dowlad madax bannaan inta laga dhameystirayo dastuurka dalka.