4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 10, 2023
Masar oo xaqiijisay inay diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso la dagaallanka argagixisada
 

Talaado, January, 10, 2023 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar, Sameh Shokry ayaa la kulmay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo isku xirka arrimaha danta labada dal.

Wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Haruuse ayaa booqanaya dalka Masar isagoo ka mid ah wafdi ka socda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Wasiir arrimaha dibadda Masar Shokry ayaa hoosta ka xarriiqay in Masar ay si buuxda ula garab taagan tahay Soomaaliya dhanka la dagaalanka argagixisada iyo sidoo kale sida ay mar walba diyaarka ugu tahay in ay ka taageerto ciidamada Soomaaliya ee ku sugan gudaha dalka, iyo in ay ka caawiyaan dalka sidii uu ula tacaali lahaa caqabadaha bini’aadantinimo ee abaaraha.

Wasiirka Masar ayaa tilmaamay in Masar ay aad u daneyneyso ammaanka iyo xasiloonida Soomaaliya, iyadoo la eegayo halka ay ku taallo Soomaaliya ee istaraatiijiyada badda cas iyo gacanka cadmeed, sida lagu sheegay warkan.

Labada wasiir ayaa isla soo qaaday heshiisyada is-afgaradka ah ee ay saxiixi doonaan masuuliyiinta labada dal, iyo xaaladda amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika, iyo weliba sidii loo taageeri lahaa geeddi-socodka nabad-ilaalinta ee ay wadaan Midowga Afrika. (AU) ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa bogaadiyay wadashaqeynta Masar ee dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada iyo kuwa kale, isagoo muujiyay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Masar.

Wasiir Haruuse ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Masar tababarada ee ay siiyeen xirfadlayaal Soomaaliyeed, sidoo kalena deeqo waxbarasho siisay ardayda Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda Masar ay kumanaan askari u tababarayso dowladda Soomaaliya.