4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2023
Maamulka Jubbaland oo sheegay in howlgal qorsheysan lagu dilay saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-shabaab
 

Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgalo qorsheysan oo ay Maanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland ka sameyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgalada ka sameeyay deegaanada kala ah Qalowlaha iyo Sooyaa oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalada ayaa la sheegay in ciidamada ay ku dileen afar xubnood oo ka mid ahaa dagaalamayaasha kooxda Shabaab oo uu ka mid ahaa horjoogahii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanka Janaa Cabdale iyo deegaanada ku dhadhaw, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Xasan Cadde.

Afhayeenka Howlgalada ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay Talefeshinka Jubbaland ayaa xaqiijiyey in howlgalka lagu dilay xubnahaan ka tirsan Shabaab, islamarkaana lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa Ururka Al-shabaaab.