4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 4 , 2023
Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya oo muddo labo sano ah kaddib la kulmay madaxda u sarreysa TPLF
 

Sabti, February, 4, 2023 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa muddo labo sano ah kaddib markii u horreysay waxa uu la kulmay madaxda u sarreysa ee TPLF, kulankan waxaa ku wehelinayay masuuliyiin sare oo kamid ah xukuumadda Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed.

Sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya, Ra'iisal Wasaare Abiyi Axmed iyo madaxda TPLF ayaa ka wada hadlay qodobo ay kamid yihiin waxyaabaha ilaa iyo hadda ka hirgalay ama ka fulay heshiiskii ay dhawaan gaareen dowladda Itoobiya iyo TPLF, ee lagu soo afjaray dagaalkii wakhtiga dheer ka socday Waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa wixii ka dambeeyay heshiiskaa waxay gobolka Tigray u furtay dhammaan waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah, sida Korontada, Biyaha iyo Isgaarsiinta, sidoo kale Hay'adaha gargaarka ayaa iyaguna bilaabay inay gargaarka noocyadiisa kala duwan geeyaan gobolka Tigray, oo ay ka jirto macluul badan oo ay sababeen dagaalladii halkaa ka socday.

TPLF oo heshiiskaa soo dhaweysay ayaa dhinaca kale ilaa iyo maanta aaminsan in weli ay gobolka ku sugan yihiin waxay ku tilmaameen ciidamada ku soo duulay gobolka Tigray, oo ay ula jeedaan Ciidamada Eritariya iyo Ciidamada gaarka ah ee degaanka Axmaarada, kuwaas oo xilligii uu dagaalka TPLF iyo dowladda Itoobiya socday ka barbar dagaallamayay Ciidamada dowladda Itoobiya.

Kulankan ay dib isku arkeen Madaxda u sarreysa dowladda Itoobiya iyo TPLF heshiiska kaddib, ayaa la filayaa inuu soo kordhiyo waxyaabo badan oo sababi kara inuu sii wanaajiyo xiriirka labada dhinac.